Belguim oo Guul Ku Furatay Euro 2020, Ruushka Oo Ay Gurigooda Kusoo Garaaceen.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Belgium ayaa hoggaanka u qabtay Group-ka ee B ee tartanka qaramada Yurub, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Ruushka oo ay marti ugu ahaayeen Saint Petersburg Stadium ee waddanka Ruushka.

Romelu Lukaku ayaa laba gool kala dhaliyey bilowgii iyo dhamaadkii ciyaarta, waxaana midka saddexaad ku daray Thomas Meunier oo caawiyena ka noqday mid ka mid ah goolasha Lukaku.

Group B oo ay fiidkii hore hoggaanka u qabatay Finland oo 1-0 dirqi ahaa kaga badisay Denmark oo ay gilgishay murugada Christian Eriksen oo garoonka dhexdiisa ku dhacay, cusbitaalkana loola cararay.

Daqiiqaddii 9aad ee bilowga ciyaarta ayay Belgium xaqiijisatay inay guuleysanayso, waxaana hoggaanka u dhiibay Romelu Lukaku oo kubbad ku dhacday ciyaartoyda Ruushka, dib ugu laabtay, kaddibna goolka ku hubsaday.

Laacibkan ayaa dabbaal-deggii waxa uu hor-tegay kamaradda isagoo ku qaylinaya ‘Chris, waan ku jecelahay’, taas oo uu ula jeediyey Christian Eriksen oo uu goolkaasna u hibeeyey.

Thomas Meunier ayaa ku daray goolka labaad daqiiqaddii 34aad, isagoo ciyaartana ka dhigay 2-0.

Ruushka ayaa isku dayay inay helaan fursado, waxaanay xerada ganaaxa ee Belgium geeyeen kubbado badan, balse dhibaatadooda ayaa ahayd khadka dambe ee difaaca oo xammili kari waayey culayska uu ku hayey Romelu Lukaku.

Daqiiqaddii 88aad ee dhamaadka ciyaarta ayuu mar kale Lukaku shabaqa ku hubsaday goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaana kubbad uu ka helay Meunier uu ciyaarta kaga dhigay 3-0.

Belgium ayaa hoggaanka u qabtay Group B oo yeeshay saddex dhibcood iyo saddex gool, waxaana ku xiga Finland oo saddex dhibcood iyo hal gool haysata, halka Denmark ay saddexaad fadhiyaan oo lagu leeyahay hal gool iyagoo dhibco la’aan ah iyo Ruushka oo saddex gool lagu leeyahay, wax dhibco ahna aan lahayn.

Dhinaca kale, Romelu Lukaku ayaa diray farriin iyo dhoolatus dhinaca gool-dhalinta ah, waxaana uu yahay ciyaartoyga hoggaanka u haya gool-dhalinta kulamadii illaa hadda la ciyaaray, isagoo yeeshay laba gool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here