Tartanka Qaramada Yurub ee EURO oo Caawa ka Furmaaya dalka Talyaaniga.

0
174

Jowhar (Radio-Isnaay)- Tartanka qaramada Yurub ee EURO 2020 oo baaqday sannadkii hore ayaa caawa si rasmi ah u bilaabmaya waxaana lagu furayaa Talyaaniga oo ku jira dalalka magaalooyinkooda lagu ciyaarayo iyo Turkey oo iska soo xaadiriyey magaalada Rome ee ay ciyaartani ka dhacayso.

Tartankan ayaa ka duwan kuwii hore ee lagu yaqaanay in hal waddan ama laba dal ay wada-jir u martigeliyaan, waxaana lagu ciyaarayaa 11 magaalo oo 11 waddan oo kala duwan ku yaalla.

Magaalada Rome ayaa nasiib u yeelatay in lagu furo ciyaarahan, laakiin waxa iyaduna nasiibkeedu caawiyey London oo lagu ciyaari doono kulamada semi-finalka iyo Finalka, gaar ahaan garoonka Wembley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here