kooxda Midnimo oo guul Raaxo leh ka gaartay Dhigeeda Elman.

0
927

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Midnimo ayaa guul ay u qalantay ka gaartay naadiga Elman kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda kubadda cagta Midnimo.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Midnimo ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddiga Lambarka 7-aad ee Mahad Maxamed Xalane.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

50 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Midnimo waxaa markale gool u saxiixay laacibka Lambarka 7-aad ee Mahad Maxamed Xalane, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mutube Peter, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 2-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Midnimo, kooxda Elman, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here