Joe Biden oo laalay sharci uu hore u ansixiyay Trump.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Joe Biden ayaa laalay amar sare oo uu ansixiyay ninkii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump kaas oo Mareykanka ka mamnuucayay baraha Shiinaha laga leeyahay ee TikTok iyo WeChat.

Amarkan ayaa laga keenay dacwado dhowr ah weligiisna lama dhaqan gelin.

Hase yeeshee, Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka ayaa haatan qiimeyn ku sameyn doonta barahan laga leeyahay Shiinahay.

Waxay waaxdu eegi doontaa in barahan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ee Mareykanka, sida uu sheegay Biden.

Waxaa la soo jeediyay in shirkadaha Oracle iyo Walmart ay qaadaan mas’uuliyadda maamulka xogta TikTok ee gudaha Mareykanka.

Balse dacwado badan oo lagu furay iyo Mr Trump oo xilka ka sii degayay awgood, in la mamnuuco bartaas iyo in shirkadaha Maryekanka ay ku lug yeeshaan midkoodna ma miro dhalin.

Madaxweyne Biden ayaa amarkiisa ku sheegay in dowladda federaalka ay qiimeyn doonto khataraha ay sababi karaan baraha Shiinaha laga leeyahay , iyadoo qiimeynta lagu saleynayo xaqiiqda.

Wuxuu garwaaqsadan in barahan ay “dadka isticmaala ka heli karaan xog badan”.

“Xog ururintan waxay sababi kartaa halis ah in ajaanibtu ay helaan xogtaas,” ayuu yiri.

TikTok waxaa bil walba adeegsada ilaa 80 milyan oo Ameerikaan ah.

Ashley Gorski, oo ah qareen sare ayaa soo dhoweysay go’aanka lagu laalayo mamnuuciddaas.

“Madaxweyne Biden wuu ku saxan yahay inuu laalo amarrada sare ee maamulkii Trump, kuwaas oo carqaladeynata xuquuqda ay Mareykanka ku leeyihiin dadka isticmaala TikTok iyo WeChat,” ayay tiri.

Toddobaadka soo socda, Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, labadooda ayaana la filayaa inay ku dhawaaqaan iskaashi dhanka teknolojiyadda iyo ganacsiga ah, taas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo horumarka uu Shiinuhu ka gaaray teknolojiyadda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here