Dowladda Eritrea oo Mareykanka ku eedaysay colaadda ka taagan gobolka Tigray.

0
169

Jowhar (Radio-Isnaay)- Dowladda Itoobiya ayaa hore u diidday in ciidammada Eritrea ay joogaan gudaha gobolka Eritrea hasayeeshee markii dambe ayaa waxa ay qirtay arrintaasi iyadoo ballanqaadday inay halkaas isaga bixi doonaan.

Dowladda ayaa todobaadkii tagay waxa ay shaacisay farriin noocaas oo kale ah.

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa waxa ay ka digeen in dhibaato bini’aadamnimo ay gobolkaasi ka soo food leedahay, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres uu sheegay in Tigray “ay qarka u saaran tahay macaluul”.

Dhanka kale boolis ku sugan degmo ku taalla Gobolka colaadda ay ka taagan tahay ee Tigaray ayaa BBC-da u sheegay inay halkaasi cunno la’aan ka jirto sidaas darteedna qofkasta oo deegaankaasi ku nool wuxuu qarka u saran yahay macalluul.

Dadka degmada Qafta Humera oo ku taalla miyga fog ayaa sheegay in rag hubaysan ay cuntadoodii iyo xoolahoodiiba ka dheceen.

Waxay sheegeen in xitaa ay arkeen gawaari ay saaran yihiin raashin mucaawino ah balse aanay dhag jalaq u siinayayn inay istaagaan oo caawiyaan dadkan tabbaalaysan.

Dadka qaar ayaa waxay isku dayeen inay gaaraan magaalada ugu dhaw ee Shire, haseyeeshee waa ay u suurogeli weysay sababo la xiriira baraha kaantarool ee ay sameeysteen kooxaha iska soo horjeeda, waa ciidamada Itoobiya iyo xoogagga daacada u ah maamulkii hore ee gobolka Tigray.

Waxay ay dowladda iyo hay’adaha gargaarka ka codsanayaan inay si deg-deg ah u caawiyaan

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here