Seddaxda Xiddig Ee Aan Kala Dhicin Ee Manchester City U Dooratay Beddelka Fernandinho.  

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rug-caddaaga reer Brazil ee Fernandinho ayaan wali si rasmi ah u shaacin go’aanka mustaqbalkiisa iyadoo uu qandaraaska uu kula jiro Manchester City ku egyahay June 30, waxaanay wararka qaarkood sheegayaan in uu macasalaameeyey kooxda, halka tibaaxo kalena muujinayaan inuu sannad kale sii joogayo Etihad Stadium.

Man City oo soo saartay liiska ciyaartoyda ay fasaxday ee sida xorta ah uga tegaya xagaagan, ayaan ku darin Fernandinho, waxaanay taasi abuuraysaa tuhun ah in uu joogi doono, inkasta oo ay miiska saaran tahay inuu ka tago iyo inuu ciyaarahaba ka fadhiisto.

City ayaa Jimcihii xaqiijisay in Eric Garcia iyo Sergio Aguero ay ka mid yihiin tiro ciyaartooyo da’yar u badan oo ka tegaya xagaagan, iyadoo labadaas laaciba ay ka degeen Barcelona oo si xor ah ula wareegtay.

Xaaladda Fernandinho ayaa ka duwan ciyaartoydan, waxaana Pep uu doonayaa in uu sii haysto inta uu ka helayo beddelkiisa, laakiin haddana waxa uu jeebadda ku haystaa liiska ciyaartooyo u beddelaya Fernandinho, kuwaas oo ay tahay inay lacag badan ka bixiyaan.

Sida uu qoray wargeyska MEN, Man City ayaa saddex ciyaartoy u calmatay beddelka Fernandinho, waxaanay kala midaysan yihiin kubbad-burburinta iyo hal-abuurka marka ay noqoto inay hore u socdaan.

Laacibka koowaad ee dookha Pep Guardiola ah ayaa ah Wilfried Ndidi oo khadka dhexe uga ciyaara Leicester City, kaas oo ay da’diisu tahay 24 jir. Haddii uu laacibkan ku guul-darraysto saxeexiisa, waxa uu u dhaqaaqi doonaa Edouardo Camavinga Rennes u ciyaara iyo midka saddexaad oo ay adag tahay inuu helo oo ah Joshua Kimmich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here