Bakistaan oo Shaacisay Sababta ay Haweenka Dalkeeda Uga Mamnuucday Dukaamada.  

0
194

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ka dib dilkii ganacsade Hinduu ah oo lagu dilay aagga deegaanka Vidh ee degmada Khuzdar oo ka tirsan gobalka Balochistan, ee daka Pakistaan waxaa lagu daadiyay halkaa waraaqo kuwaas oo loogu baaqay dadka dukaamada halkaa ku leh inaysan u oggolaan haweenka dukaamadooda.

Waraaqahaan waxaa ku qoran digniin loo jeedinayo ganacsatada, gaar ahaan kuwa dukaanleyda ah ee Hinduuga ah,iyadoo lagu sheegay qoraalka waraaqahaasi in ganacsadihii u oggolaado haweenka inay yimaadaan dukaankiisa, uu dusha saaran doono mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha arrintaa.

Booliska oo xaqiijiyay waraaqahaan ganacsatada loogu digayo ayaa sheegay in aan la garanayn cidda arrintaan ka dambeeysa.

Waraaqahaan oo u sameysan qaab buug(Book) oo kale ah ayaa waxaa ku qoran macluumaad badan waxaana qaarkood ganacsatada loo dhigay gudaha meheradahooda ganacsi.

Santosh Kumar, oo ah xubin ka ka tirsan golaha deegaanka Vidh ee bulshada Hinduuga ah , ayaa sheegay in dukaamadii ganacsatada bulshada Hinduuga loo xiray sababo la xiriira mudaaharaad looga soo horjeedo dilka ganacsade Hinduu ah.

Ganacastada Muslimiinta ah ayaa sidoo kale dukaamadooda lagu hor daadiyay waraqahaan ay ku qoranyihiin digniinaha iyo macluumaadka kale.

Balse arrinta walaaca dhalisay ayaa ah in bulshada Hinduga ah si gaar ah loogu xusay warqaaha sida buugga u sameysan ee ganacsatada loogu digayo.

Ma jirto cid aan waxyeelo u geysanay, marka maxaa nalagu bartilmaameedsanayaa, “ayuu yiri Santosh Kumar.

Waraaqahaan waxaa ka muuqda sawir muujinaya Seef gacanta lagula sawiray qaybta hoosana waxaa looga qoray qoraal sidaan u dhigan “Caravan Saifullah”.

Maxamed Aslaam Shiikh, xoghayaha guud ee Urur Caafimaad oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ee deegaanka Vidh, ayaa sheegay in waraaqahaan yar yar ee lagu ak- daadiyay dukaamada ay ku qoranyihiin qoraallo isku mid ah hase yeshee wuxuu meesha ka saaray in magac Urur ku qoranyahay.

Ganacasatada waxaa laga codsaday inaysan u oggolaan dumarkooda inay guryahooda ay uga baxaan qaab aan loo baahneyn gaar ahaanna inay inay dhex mushaaxaan suuqyada.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqii suuqa uu yaraaday wixii ka dambeyay markii ay digniintaan soo baxday oo dumarkii ayaa ku yaraaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here