Xiddiga Ku Guuleystay Abaal-marinta Xiddiga Sannadka Ee PFA Oo La Shaaciyey.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ku dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsanaa dalkaas sannadkan, waxaana markii labaad oo xidhiidh ah hantay Kevin de Bruyne.

Kubbad-sameeyaha reer Belgium ee Kevin de Bruyne ayaa dhaafay rikoodhkii xiddiga sannadka ee Cristiano Ronaldo iyo Thierry Henry ee abaal-marinta PFA ee gudaha waddanka Ingiriiska.

Kevin de Bruyne ayay la tartamayeen saddexda ciyaartoy ee ay isku kooxda yihiin ee Ruben Dias, Ilkay Gundogan iyo Phil Foden, halka Harry Kane iyo Bruno Fernandes ay iyaguna ku jireen ciyaartoyda uu De Bruyne ku garaacay abaal-marintan.

Xiddiga reer Belgium ayaa Manchester City ka caawiyey hanashada horyaalka Premier League markii shanaad intii uu isagu joogay iyo afar koob oo isku xiga oo Carabao Cup ah.

29 jirkan ayaa ku biiray liiska halyeeyadii Man United iyo Arsenal ee Ronaldo iyo Henry oo min laba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee PFA.

“Xaqiiqada ah in ay ciyaartoydu ii doorteen abaal-marintan, waxay muujinaysaa in aan shaqo aad u wanaagsan qabtay” Ayuu yidhi De Bruyne oo ka hadlayay abaal-marintan la guddoonsiiyey ee xiddiga sannadka ee PFA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here