Imaaraadka Iyo Qaramada Midoobay Oo ka Wada Hadlay Arin Muhiim u ah Soomaaliya.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi & Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb Jermis Swan, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.

Intii kulanku socday labada mas’uul waxaa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Imaaraadka iyo Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya, habka waxqabad wadajirka ah ee lagu taageerayo amniga iyo xasilloonida dalka, iyo arrimo dhowr ah oo dan guud ah ku saabsan.

Al Hammadi wuxuu u mahadceliyay Ergeyga Qaramada Midoobay sida uu u doonayo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Safaaradda Imaaraadka iyo xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Swan ayaa isna dhankiisa ku amaanay dadaalka isdaba jooga ah ee Imaaraadku ku taageerayo geedi socodka amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed iyo bini’aadanimo ee ay ka fulinayso dhamaan gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ka caawisaa dhinacyo farabadan, hayeeshee dowladda Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay ahaayeen kuwo xiriirkooda uusan wanaagsaneyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here