Dowladda Taliyaaniga oo Ganaaxday Dad Carro Xaday.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tiro dad ah oo la sheegay inay dal-dasheen bacaadka xeebta ayaa lagu ganaaxay $3,650 oo doolar kuwaas oo ku sugnaa xeebaha jasiiradda Sardinia ee Talyaaniga, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay Sabtidii in 41 qof lagu soo warramay inay xadeen 100 kiilo oo carro ah iyo agab kale.

Jasiiradda Sardinia ayaa caan ku ah carrada, waxaana mamnuuc ib qofka uu carro kasoo daabusho halkaas.

Ka ganacsiga carrada, dhagaxaanta yar yar iyo qalfoofka yaalla jasiirada ayaa la mamnuucay sanadkii 2017-dii.

Ganaaxa lagu soo rogay dadka carrada ka xaday jasiiradda ayaa imaanaya xilli dadka deegaanka ay cabasho ka muujiyeen carrada iyo agabka kale dabiiciga ah ee laga xado halkaas.

Dad dalxiiseyaal ah oo kasoo jeedo Yurub ayaa carrada ku ritay caagadaha biyaha si ay u xusuustaan jasiiradda ama qaarkood waxay suuq geynayeen carrada.

Xilli ay socdaan baaritaano, militeriga iyo saraakiisha canshuuraha ayaa baaritaano ka waday garoomada diyaaradaha iyo dekedaha iyo sidoo kale baraha Online-ka lagu suuq geeyo carrada.

Dalxiisayaasha oo carrada kusoo gurtay caagadaha biyada ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiisha canshuuraha.

Booliska waxay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay arkeen xayeysiimo lagu suuq geynayo carrada iyo waxyaabaha kale ee sida sharci darrada ah looga soo xado jasiiradda, kuwaas oo lagu iibinayo qiimo sarreeyo.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay carrada iyo waxyaabaha kale ee laga soo xaday jasiiradda, dadka adeegsada baraha bulshada ayaa sheegaya in xatooyada noocan ah ay halis ku tahay bilicda deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here