Sideed isaga ilaalin kartaa in lagaa jabsado WhatsApp-kaaga?

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Burcadda Internet-ka ayaa weli sii wada inay beegsadaan dadka isticmaala WhatsApp-ka ayna afduubtaan akoonnadooda, iyaga oo iska dhigaya saaxiib kuna weydiinaya nambarrada sirta.

Arrintan sanado ayay jirtay balse weli way sii wadaan inay dadka siraan, iyadoo dhibbanayaashu ay baraha bulshada ku wadaagayaan sheekooyinkooda.

WhatsApp ayaa uga digay in macaamiisha inaysan marnaba nambarrada sirta siin qof kale, xitaa haddii uu yahay saaxiibkood.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha ayaa la yaabay sida uu ugu dhacay dabinka.

Waxaa laga yaabaa inaad dabinka ku jirto haddii aad hesho farriin wadata nambar lix ka kooban oo WhatsApp ah kaas oo aadan fileyn.

Caadi ahaan nambarkan sirta waxaa laguu soo diraa marka aad akoon cusub furaneyso, amaba aad akoonkaaga ka fureyso kumbiyuutar kale oo kugu cusub.

Si kastaba, haddii aadan dirin codsigan, waxaa laga yaabaa inay yihiin burcad isku dayaya inay u dhacaan akoonkaaga.

Tallaabada xigta, burcaddu waxay kuu soo dirayaan farriin WhatsApp ah iyaga oo ku weydiinaya nambarka sirta ah ee lixda ka kooban.

Waxay u muuqaneysaa inay farriintaas ka timid saaxiib sababtoo ahna akoonkaas mar hore ayaaba la jabsaday.

“Waxaan farriin WhatsApp ka helay saaxiibtey Michelle, oo ii sheegeysa in laga xirtay akoonkeeda,” sidaas waxaa BBC u sheegay Charlie oo dhibbane ah.

“Waxay sheegtay in si kama’ ah ay nambarkii sirta ahaa ugu dirtay telefoonkayga intii ay keeda ku dirsan lahayd, isla markaana aan sawir uga soo qaadi karo una diri karo.”

“Waxaan u maleynayaa inaan dabinka ku dhacay sababtoo ah dhammaanteen waan ognahay sida ay u xanuun badan tahay waxaana jeclaan lahaa inaan dadka caawiyo,” ayuu yiri.

” Charlie wuxuu sheegay inuu tiray WhatsApp-ka uusanna dib dambe u isticmaali doonin. Wuxuu u diga rogtay iMessage-ka shirkadda Apple.

Buracaddu waxay akoonnada la soo xaday farriin uga diri karaan saaxiibbadaa iyo qoyskaaga, iyaga oo adiga iska dhigaya.

waxay sidoo kale helayaan nambarrada telefoonka kuugu jira, si ay u khaldaan dad kale.

Marka ay jabsadaan akoonkaaga, burcaddu waxay ku sii jirayaan qeybta farriimaha si ay u arkaan warbixinnada xasaasiga ah.

Qoraal uu soo diray, ayuu WhatsApp ku yiri: “Badqabka iyo ammaanka macaamiisheenna iyo farriimahoodu runtii muhiim ayay inoo yihiin. Si kastaba, sida farriimaha kale amaba wicitaannada telefoonka, waa macquul dadka kale ee isticmaala WhatsApp ee nambarkaaga haya inay kula soo xiriiraan.”

WhatsApp-ka wuxuu boggiisa ku daabacay talooyin gacan ka geysanaya in dadku ay ilaashadaan akoonnadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here