Shirkadda Facebook oo ku dhawaaqday in ay Xirtay Cinwaanka Donald Trump.

0
148

Jowhar (Radio-Isnaay)- Shirkadda Facebook ayaa waxaa ay shalay ku dhawaaqday in bartii uu Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka ku lahaa Facebook sii xayiri doonaan ugu yaraan ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2023-ka.

Shirkaddu waxaa ay sheegtay inay mustaqbalka si dhow ula socon doonaan Calaamadaha muujinaya sida ay Shirkadda ula dhaqmi doonto Hoggaamiyayaasha Caalamka ee Jebiya Sharciga Facebook.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka waxaa la xayiray Cinwaankii uu ku lahaa Shirkada Facebook bishii May ee sanadkii hore, kadib, markii uu qoraalo colaad-hurin soo dhigay Bartaasi oo uu ku taageeray Rabshadihihii ay Taageerayaashiisa ka sameeyeen Aqalka US CAPITOL ee Washington bishii Janaayo 6-dii ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here