Sacuudiga oo ku dhawaaqday inaysan Muwaadiniintooda ka qeyb geli doonin Xajka Sanadkan.

0
143

Jowhar (Radio-Isnaay)-Hadal-qoraal oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Diinta ee dalkaasi, Yaquut Jolil Qumas ayaa lagu sheegy inaysan Muwaadiniintooda ka qeyb geli doonin Xajka Sanadkan sababo la xiriira walaaca xooggan ee Xanuunka COVID 19.

“Si loo sugo Badqabka Xujeyda waxay Dowldda go’aanstay inaan Xujeyd Indonesia loo oggolaanin inay mar kale u dhoofaan si ay u soo gutaan Xajka” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Wasiirka waxa kale oo uu sheegay inaysan Dowladda Sacuudiga weli furin Tas-hiilaadka Xajka, mana jiro Isfaham ay Dowladda Sacuudiga la saxiixatay Indonesia ama dalalka kale oo ku aadan Xajka sanadkan.

Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga waxay bishii Maarso sheegtay inay dadka laga tallaalay COVID 19 loo oggolaan doono inay ka soo qeyb galaan Xajka sanadkan.

Ka hor inta uusan Coronavirus ka dillaacin Caalamka, ilaa 2.5 milyan oo Xujey ah ayaa sanad kasta soo gudan jirtay Waajibaadka Xajka, iyadoo ay Dowladda Sacuudiga Xajka iyo Cumrada ka heli jireen lacag dhan 12 Bilyan oo Dollar sanadkiiba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here