Kylian Mbappe Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu U Diiday Dalab Uu Ka Helay Real Madrid

0
171

JOWHAR (Radioisnaay) Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay go’aankii uu ku diiday in uu ugu wareego Real Madrid markii ay da’diisu ahayd 14 jirka, xilligaas oo ay kooxda reer Spain doonaysay in ay la saxeexato.

Kylian Mbappe oo hormood u ah ciyaartoyda ugu qiimaynta sarreeya kubadda waqtigan, ayuu heshiiskiisa  PSG ka hadhsan yahay sannad kaliya, waxaana jira warar sheegaya in uu doonayo in uu ka tago kooxdaas, iyadoo ay Real Madrid si weyn u raadinayso.

Laacibkan ayaa la filayaa in uu qayb weyn ka qaato tartanka Euro 2020 oo uu kula guuleysto waddankiisa, kaddib markii ay finalka koobkan kala kulmeen guul-darro sannadkii 2016 oo uu ka qaaday xulka qaranka Portugal. Laakiin waxay qalbi-jabkaas iskaga maydheen Koobkii Adduunka 2018 oo finalkii ay ku garaaceen Croatia.

Intii uu Kylian Mbappe ku jiray garoomada amaba uu xulka qarankiisa hormoodka u ahaa, nasiib iskumay helin in ay iska garab ciyaaraan Karim Benzema, sababtoo ah, weeraryahanka Real Madrid ayaan lagu soo darin xulka tan iyo October 2015, waana xilli uu Mbappe yaraa, laakiin hadda ayay iska garab ciyaarayaan oo ay ku wada jiraan xulka qaranka England.

Real Madrid ayaa rajaynaysa in ay weeraryahan iska soo xaadiriyaan Santiago Bernabeu marka uu soo dhamaado tartanka Euro 2020, sababtoo Real Madrid ayaa la filayaa in ay xagaagan u dhaqaaqdo sidii ay ula soo saxeexan lahayd Kylian Mbappe oo PSG ay ku qasban tahay in ay iibiso haddii aanu si degdeg ah u ogolaanin in uu saxeexo heshiis uu waqtiga ugu dheeraynayo kooxdiisa.

Si kastaba, Kylian Mbappe ayaa sannadkii 2014 dalab ka helay kooxda reer Spain ee Real Madrid oo uu iska diiday waqtigaas, waxaana uu sharraxaad ka bixiyey sababtii uu hoos ugu dhigay dalabkaas xilli uu waraysi siinayay L’Obs, waxaanu yidhi: “Waalidkay ayaa doonayay in aan xirfaddayda ka bilaabo Faransiiska si aan u helo waxbarashada Faransiiska ee kubadda cagta iyo waxbarashada caadiga ahba.

“Tegitaanka Spain, xataa iyadoo uu joogo Zinedine Zidane, waxay ahayd waddan kale iyo dhaqan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here