Jiir ka Shaqeyn jiray miino baarista oo howlgab ka noqday dalka Cambodia.

0
340

Jowhar (Radio-Isnaay)-Magawa oo ah magaca jiirka, oo hore geesinnimadiisa ugu muteystay abaalmarin dahab ah, ayaa howlgab ka noqonaya shaqadiisa miino baarista.

Muddo shan sano ah oo uu howshan hayay, ayuu doolligan wuxuu uriyay 71 miino iyo dhowr waxyaabo aan qarxin ah, howshan oo uu ka fuliyay dalka Cambodia.

Balse haweeneyda gacanta ku heysa oo lagu magacaabo Malen ayaa sheegtay in jiirkan oo toddoba sano jir ah kana soo jeeda qaaradda Afrika ay da’du ka daba timid, waxayna dooneysaa in “la tixgeliyo baahiyihiisa”.

Waxaa loo maleynayaa in ilaa lix milyan oo miino ah ay ku jiraan dalkaasi ku yaalla Koofur Bari qaaradda Aasiya.

Magawa waxaa tababaray hay’dda Apopo oo Biljamka ka diwaan gashan, saldhiggeeduna yahay Tanzania waxayna u tababareysay xayawaannada sida loo baaro miinooyinka tan iyo sanadihii 1990-meeyadii. Xayawaannada ayaa waxaa la siiyaa shahaado kaddib sanad tababar ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Apopo ayaa sheegay in jiirkan yaryar ay qiimeyn ku sameysay Xarunta Miinooyinka Cambodia (CMAC) kaddibna ay imtixaanka ka gudbeen.

Bishii September, Magawa waxaa la siiyay abaalmarinta Dahabka ee PDSA, isagoo lagu ammaanay nolosha dadka ee uu badbaadinayo. Waa jiirkii ugu horreeyay ee la siiyo abaalmarinta, muddada 77-ka sano ah ee ay hay’addu jirto.

Jiirkan miisaankiisu waa 1.2kg (2.6lb) dhererkiisuna waa 70cm (28in). Inkastoo uu ka miisaan iyo dherer badan yahay jiirka kale, Magawa weli wuu yar yahay waana khafiif oo ma cusleynayo haddii uu ku istaago miinooyinka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here