Nus malyuun qof ayay biyo la’aan ku dhacday DRC Koongo.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ku dhowaad 500,000 oo qof oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa wajahaya biyo la’aan kaddib markii uu halkaasi ka qarxay folkaane, sida ay sheegtay hay’adda samafalka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Hay’adu waxay sheegtay in si deg deg ah loogu baahan yahay biyo nadiif ah in ay helaan dadka ku nool bariga magaalada Goma, maadaama ay halis ugu jiraan cudurka daacuunka.

Qaraxii folkaanaha ee buurta Nyiragongo ee 22-kii May ayaa burbur xooggan gaarsiiyay baraagaha iyo sidoo kale tuubooyin biyaha.

Boqolaal kun oo qof ayaa wali ay u suurtagali la’dahay in ay dib ugu noqdaan guryahooda.

Magali Roudaut oo ah madaxa hay’adda MSF ee dalka DRC ayaa sheegtay in haatan ay wax ka qabanayaan baahiyaha deg degga ahi ee dadka barakacay, balse gargaarkaasi uusan ku filnayn baahiyaha dadka oo dhan.

“Waxaan ururada kale ee samafalka ka dalbanaynaa taageero deg deg ah si ay u caawiyaan dadka,” ayay tiri Magali.

MSF waxa ay sheegtey in shaqaalaheeda ay adeeg caafimaad gaarsiiyeen magaalada Sake, halkaasi oo “qiyaastii 100,000 ilaa 180,000 oo qof ay isugu yimaadeen kaniisadaha, iskuulada, masaajidda, iyo waddooyinka”.

Buurta Nyiragongo, oo 10km u jirta magaalada Goma, ayaa 10 maalmood ka hor ka qarxay folkaane, kaa oo ay ku dhinteen 32 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa jiray dhul gariir badan oo halkaa ka dhacayay tan iyo markii uu folkaanahaasi qarxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here