Barcelona, Real Madrid Iyo Juventus Oo Laga Mamnuucayo Champions League.

0
222

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Juventus ayaa laga mamnuuci doonaa Champions League todobaadkan sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Talyaaniga.

Seddexda kooxood ee waa weyn ee reer Yurub ayaa wajahaya ganaaxyo madaama ay qeyb ka ahaa qorshihii fashilmay ee lagu dhisayay horyaalka European Super League.

Waxay seddexaadaan kooxood ku adkeysanayaan inay xaq u leeyihiin inay dhistaan tartan cusub, halka UEFA iyo FIFA ay ku doodayaan inaysan xaq u laheyn talaabadii ay qaadeen.

12kii kooxood ee ku heshiiyay inay sameystaan horyaal Yurub oo ka madax banaan UEFA, waxaa kaliya ka soo haray Barcelona, Real Madrid iyo Juventus oo weli go’aankooda ku taagan.

FIFA ayaa durbaba bilowday dacwad ka dhan seddexdaan kooxood. Halka sagaalka kooxood kale ee AC Milan, Inter Milan, Atletico Madrid, Arsenal, Liverpool, Manchester United, Tottenham, Chelsea iyo Manchester City ay saxiixeen warqad ay ku raaligelinayaan UEFA iyagoo balanqaaday inay 12.9 milyan ginni ugu yaboohayaan kubada cagta da’ yarta.

Madaxweynaha La Liga ahna xubin sarre oo ka tirsan guddiga fulinta UEFA Javier Tebas ayaa sheegay shalay oo Talaado aheyd inay tahay in Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ay ka cabsadaan natiijada dacwada ay ku furtay UEFA.

Warbaahinta Talyaaniga ee lagu magacaabo la Repubblica ayaa sheegeysa in seddexdaan kooxood laga mamnuuci doono Champions League todobaadkan.

“Kuwa ay tahay inay cabsadaan waa Real Madrid iyo Barcelona” ayuu Tebas u sheegay ESPN. “Ma doonayo inaan sii sawirto Champions League ay iyagu ka maqan yihiin laakiin waa ay dhici kartaa.

“Wax ka badan ganaax lacageed ayaa ku dhici kara, UEFA waxay dooran kartaa inaysan Madrid iyo Barca ka diiwaangelinin Champions League. Waxaan qabaa in laga saari doono tartanka. Waa inay cabsadaan.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here