Xiddigii Sannadka, Weeraryahankii, Goolhayihii Iyo Difaacii Ugu Fiicnaa Talyaaniga Oo La Shaaciyey.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa xiddigii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2020-21, waxaana ku guuleystay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo Inter Milan ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga.

Lukaku oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 24 gool iyo 11 caawimood oo uu sameeyey ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey horyaalkeedii ugu horreeyey muddo toban sannadood ah iyagoo soo afjaray muddo sagaal sannadood ahayd oo ay Juventus si xidhiidh ah horyaalka ugu guuleysanaysay.

Kaddib markii xiddiga ugu fiican loo doortay Lukaku, waxa isaguna abaal-marinta weeraryahanka ugu wanaagsanaa lagu maamuusay Cristiano Ronaldo oo dhaliyey goolashii ugu badnaa xilli ciyaareedka oo ahaa 29 gool.

Laacibka reer Portugal ayaa 33 kulan oo uu saftay, waxa uu awood u yeeshay in la guddoonsiiyo abaal-marinta weeraryahanka ugu wanaagsan kaddib 29 gool oo uu shabaqa taabsiiyey iyadoo uu sidoo kalena dhigay rikoodh cajiib ah oo uu noqday ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee 110 gool ka dhaliya Talyaaniga.

Goolhayihii ugu fiicnaa ayaa waxa la guddoonsiiyey Gianluigi Donnarumma oo AC Milan ah, laakiin si bilaash ah kaga tegaya kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisu.

22 jirkan ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Serie A, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyey in ay ka mid noqoto afarta sare oo ay sannadihii ugu dambeeyey ka maqnayd.

Cristian Romero oo ka tirsan Atalanta ayaa isaguna noqday difaacii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkan, waxaana uu laacibkani amaah kaga maqan yahay Juventus oo mulkiyaddiisa iska leh.

Weeraryahanka Fiorentina ee Dusan Vlahovic ayaa isaguna noqday da’yarkii ugu wanaagsanaa, iyadoo uu jiro 20 sannadood, halka Nicolo Barella oo Inter Milan ah uu dhexda ugu fiican ku garaacay Franck Kessie iyo Rodrigo de Paul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here