Tahriibayaal laga Bad baadiyay Xeebaha Dalka Tuunis.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidanka badda ee dalka Tuunis ayaa soo badbaadiyay 117 muhaajiriin ah kuwaas oo donaayay inay si sharci darro ah ku galaan qaaradda Yurub.

Dadkaan ayaa laga soo badbaadiyay dekad ku taal waqaooyi-bari ee dalka Tuunis kadib markii ay ciilad ku timid doontii ay la socdeen.

Warbaahinta Tuunis ayaa sheegtay in tahriibayaalka ay ku jiraan carruur iyo haween.
Dadkaan lasoo badbaadiyay ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh qaxootiga ee dalka Tuunis.

Dadka u tahariibaya qaaradda Yurub ayaa kusoo badanayaa waaydaan danbe xeebaha dalka Tuunis, inkasta oo ay dowladda isku dayayso inay joojiso dadka doonaya inay si sharci darro ah u isticmaalaan xeebaheeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here