Liiska Kama Dambaysta Xulka Qaranka Talyaaniga Oo Lagu Dhawaaqay & Xiddigo Kale Oo Laga Saaray.

0
190

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini ayaa soo gaabiyey liiska xulkiisa oo hore u ahaa 33 ciyaartoy, waxaanu ka dhigay tirada kama dambaysta ah ee laga doonayay oo 26 ciyaartoy ah.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Moise Kean iyo lix ciyaartoy oo kale ayaa uu ka tuuray xulka, kaas oo la filayay in uu boos ka helo maadaama uu bandhig fiican ka sameeyey PSG.

Mancini ayaa Axaddii maanta magacaabay 28 ciyartoy, waxaana uu mar dambe ka tuuray laba kale iyadoo waqtiga ugu dambeeya ee xulalka la gudbinayo ay tahay Salaasada.

Kean oo ahaa weeraryahanka saddexaad ee ku xigay Ciro Immobile iyo Andrea Belotti ayaa ku dhibaatooday ciyaartii Jimcihii ay 7-0 ku garaaceen San Marino, waxaanay taasi keentay in uu Mancini ka saaro liiskiisa.

Waxa kale oo uu Roberto Mancini liiskiisa ka saaray ciyaaryahannada uu hore ugu soo darsaday xulka ee ku jiray tiradii hore ee 33ka ahayd ee Alessio Cragno, Cristiano Biraghi, Manuel Lazzari, Gaetano Castrovilli, Vincenzo Grifo and Giacomo Raspadori, kuwaas oo uu raacayo Keane.

Kubbad-sameeyaha Chelsea ee Jorginho ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee kusoo biiraya xulka qaranka maadaama uu xalay kulankiisii ugu dambeeyey usoo ciyaaray Chelsea oo uu kula soo guuleystay Champions League, halka ciyaartoyda kale ay sii joogeen xulka oo ay tababarka wada qaadanayeen, isla markaana kulan saaxiibtinimo ciyaareen.

Talyaaniga oo Group A ay ku wada jiraan Turkey, Switzerland iyo Wales ayaa kulankiisa ugu horreeya ee Euro 2020 waxa uu ku furan doonaa Turkey oo ay June 11 ku wada ciyaari doonaan magaalada Rome.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here