Xafladda Guurka Reysal Wasaare Boris Johnson oo ka Dhacday Kaniisad ku Taala London.

0
187

Jowhar – ( Eadio isnaay ) – Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa guursaday gabar u dooneyd oo la yiraahdo Carrie Symonds kadib xaflad aroos ah oo si qarsoodi ah loo qorsheeyay oo ka dhacday kaniisad ku taalla Westminster.

Xafladda aroos ah oo ay dad yar kasoo qeybgaleen ayaa shaley duhurkii lagu qabtay halkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu intaas ku daray in lamanahan ay qabsan doonaan xaflado kale oo lagu xusayo arooskooda oo ay kasoo qeybgeli doonaan qoyska iyo saaxibada.

Wuxuu noqonayaa Ra’iisul Wasaarahii ugu horreeyay ee aroos gala isaga oo xilka haya ku dhawaad 200 oo sano.

Wargeyska The Mail ayaa ku warramay in 30 qof lagu martiqaaday arooska Ra’iisul wasaaraha-waana tirada dadka loo ogolyahay inay ka qeybgalaan aroosyada sababa la xiriira ka hortagga safmarka Karoona awgii.

Inkasta oo uu Johnson oo 56 jir oo horey u guursaday labo xaas balse kaniisadda Roman Catholic ayaa u ogolaaneysaa dadka horraan xasaaskooda ay kala tageen inay guursan karaan haween kale waa haddii guurkoodi hore uu ka baxsanaa xeerarka kaniisadda Roman Catholic.

Waxaana la shaaciyay mid kamid ah sawirrada arooska Ra’iisul wasaaraha-kaas oo muujinaya lamanayaasha oo ku sugan beer ku taalla xafiiska 10 Downing Street saacado uun kadib xafladda.

James Cleverly oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga muxaafidka ayaa Twitter-ka soo dhigay lamanayaasha oo ku damaashadayo dhul doog ah xilli ay cadcadeeddu taagneyd, waxaana gashaada dambe ee sawirka ka muuqdaa miiska la saaray waxyaabo mac macaan ah iyo waxyaabo qurxoon oo goobta kasoo laalado.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wax faahfaahin ah kama uusan bixin cidda lagu martiqaaday arooska Johnson ama in qaar kamid ah golaha wasiirada ay kamid ahaayeen dadkii joogay arooska.

Siyaasiyiin dhowr ayaa tahniyad u diray lamaanahan waxaana kamid ah xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel, xoghayaha tallaalka Nadhim Zahawi iyo xoghayaha shaqada iyo arrimaha adeegyada la siiyo dadka howlgabka ah Therese Coffey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here