Madaxweyne Erdugaan  oo  Xariga ka Jaray Masjid uu Dhismahiisa Muran Badan Dhaliyay.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray masaajid laga dhisay fagaaraha Taksim ee ku yaalla magaalada Istanbul-kaas oo qorshaha dhisitaankiisa uu ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeeday sanadkii 2013-kii.

Kumanaan qof oo ka qeybgalay munaasabadda ayaa buux dhaafiyay masaajidka xilli ay ku tukanayeen salaadda jimcaha.

Masaajidkan ayaa ku yaalla fagaare caan ah oo astaan u ah mabaadii’da cilimaaniyadda Jamhuuriyadda Turkiga.

Waxaana loo arkaa goobtan inay tahay meel qaddiimi ah oo ku xusan taariikhda Turkiga gaar ahaan aasaasihii dalkaas Mustafa Kemal Ataturk.

Masaajidka Taksim wuxuu haatan ku yaalla goob caan ah oo kamid ah astaamaha magaalada Istanbul” ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo shaley salaaddii jimcaha kadib furay masaajidka.

Wuxuu intaas ku daray in masaajidka uu yahay mid sii jiri doono, “Haddii uu Alle idmo, masaajidka meesha ayuu kusii yaalli doonaa tan iyo wakhti dambe”

Wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay munaasabadda uu u sheegay in dhismaha masaajidka uu yahay guul taariikhi ah kadib dibadbaxyadii lagu diidanaa in fagaaraha Taksim laga dhiso masaajidka.

Erdogan wuxuu ka hadlay sababta uu u doonayay in fagaaraha Taksim laga hirgeliyo masaajid tan iyo markii uu ahaa duqa magaalada Istanbul sagaashamaadkii.

“Xitaan meel salaadda lagu tukado kama jirin fagaaraha xitaa dadka waxay ku tukan jireen warqadaha wargeysada marka ay joogaan garoonka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Dadkii musalliinta ahaa ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu dhisay masaajidka,waxaana  ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyo naqshado casri ah, wuxuu qaadayaa  ilaa 4,000 oo qof.

Abuzer Koç oo kamid ah dadkii kusoo tukaday masaajidka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in horraan masaajidda ay yaraayeen marka loo barbardhigo tirada dadka muslimiinta ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here