David De Gea Oo Ka Baxay Aamusnaanta, Waxa Uu Ka Yiri Guul-darradii Rikoodheyaasha & Eedayntii Loo Jeediyey

0
213

JOWHAR (Radioisnaay) Goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa ugu dambayn ka hadlay guul-darradii kooxdiisa kasoo gaadhay finalka Europa League oo Arbacadii ay Villarreal koobka kaga qaadday rikoodheyaal.

David de Gea ayaa khasaariyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, iyadoo uu awoodi waayey in uu qabto dhamaan 11kii rikoodhe ee ay laagatay Villarreal, waxaase usii dheer oo uu canaan kale ku mutaystay, in uu raaci waayey tilmaantii iyo qishkii tababareyaashiisu siiyeen ee ku saabsanaa halka ay ciyaartoyda Villarreal tooganayeen.

Ole Gunnar Solkjaer ayaa kulankii finalka doortay goolhaye De Gea oo kulamo badan kaydka ku jiray, waxaanay dad badani ku doodeen in ay fiicnaan lahayd in Dean Henderson la keeno markii ay ciyaartu gaadhay rikoodheyaal, maadaama uu da’yarka reer England ku fiican yahay qabashada rikoodheyaasha.

Goolhayaha reer Spain ee David De Gea ayay ugu dambaysay in uu qabto rikoodhe sannadkii 2016, waxaana layaab ah in goolhayaha koowaad ee Manchester United uu muddada intaas le’eg qaban kari waayo rikoodhe.

Kaddib dhalleecayn ba’an oo loo jeedinayey illaa Arbacadii, David de Gea ayaa hadalkii ugu horreeyey kasoo yeedhay, isagoo ka baxay aamusnaanta.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram, ayuu ku sheegay in noloshu tahay farxad iyo murugo, guul-darradii Villarreal na uu ka bartay khibrad, balse uu mar kale u dagaallami doono sidii uu u guuleysan lahaa.

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson oo ciyaarta kaddib qalbiga u dejiyey, ayuu sidoo kale u mahad-celiyey.

De Gea ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Kufis iyo kicis. Wax ka baro khibradda, dagaallan mar kale oo guuleysto. Waad ku mahadsan tahay taageeradaada {Ferguson}”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here