Villarreal vs Man United – FINALKA Europa League, Xogta Kulamadoodii Hore, Xiddigaha Maqan Iyo Shaxaha Macquulka Ah

0
193

JOWHAR (Radioisnaay) Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in Manchester United uu u qaado koobkiisii ugu horreeyey isagoo tababare ah, isla markaana uu garaaco Villarreal oo ay caawa  ku ballansan yihiin finalka Europa League.

Kaddib afar final oo xanuun badnaa oo guul-darrooyin kasoo gaadheen, ayna ku jirtay finalkii tartankan ee xilli ciyaareedkii hore ee Sevilla ay semi-finalkii kusii dhaaftay, Manchester United ayaa mar kale taagan final iyadoo uu waliba hoggaaminayo tababare Solskjaer, waxaanay markan sidii doorarkii hore ay yihiin kooxda loo saadaalinayho in caawa ay magaalada Gdansk ee waddanka Poland ugu dabbaal-degi doonaan guusha Europa League.

Red Devils ayaa wareeggii semi-finalka waxay 8-5 kusoo burburiyeen AS Roma isku-darka labadii lugood, laakiin waxa ka horreysa Villarreal oo uu hoggaaminayo Unai Emery oo ah khabiirka iyo takhasuska koobkan, horena ugu soo guuleystay saddex jeer oo hore.

Emery ayaa Villarreal keenay finalka iyadoo uu semi-finalkii kusoo jiidhay kooxdiisii hore ee Arsenal, waxaanay koobkani uu yahay fursadda kaliya ee ay ugu soo gudbi karayaan Champions League xilli ciyaareedka dambe, maadaama ay kaalinta shanaad kaga dhamaysteen horyaalka LaLiga.

Kulamadii hore ee labadan kooxood

Afar jeer ayay iska hor yimaaddeen Manchester United iyo Villarreal, mana jirto koox guuleysatay. Afarta ciyaarood ee ay kulmeen ayaa kusoo dhamaaday barbarro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here