Shil tareen oo ka dhacay dalka Maleysiya iyo khasaaro ka dhashay

0
221

JOWHAR (Radioisnaay) in ka badan 200 oo qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii laba tareen oo kuwa dhulka hoostiisa mara ahi isku dhaceen caasimada dalka malaysiya ee Kuala Lumpur,shilkan ayaa dhacay isniintiii abaaro 8:33PM  markii mid ka mid ah tareenada oo madhnaa  uu si fool ka fool ah ugu dhacay tareen kale oo ay saarnaayeen 213 rakaab ah.

Sawirro iyo fiidiyowyo ku wareegaya baraha bulshada ayaa muujinayey rakaab dhaawac ah oo dhiig baxaya,47 qof ayaa si xun u dhaawacmay 166 kalena dhaawacyo fudud ayaa soo gaaray, sida uu taliyaha bilayska degmadu u sheegay warbaahinta goobta soo gaartay.

Wasiirka gaadiidka oo booqday goobta shilku ka dhacay ayaa sheegay in hal tareen uu ku socday Xawaare gaaraya 40 kiilomitir saacaddii (25 mayl saacaddii) halka midka kalena uu ku socday Xawaare gaaraya 60 kiilomitir saacaddii (37 mayl saacaddii). Shilku wuxuu ahaa shilkii ugu horreeyay ee weyn kaas oo lagala kulmay “ nidaamka metro-ga” tareenada dhulka hoos mara mudo 23 sano oo uu shaqeynayay ayuu yiri Wasiirku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here