Qatar oo dhex-dhexaadin doonta Sudan iyo Itoobiya

0
204

JOWHAR (Radioisnaay) Ra’ iisul Wasaaraha Sudan, Dr. Cabdalla Xamduuk waxa uu la kulmay Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani oo maalmahan booqasho ku joogay Khartoum.

Qaabilaadaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Golaha Wasiirada ee dalka Sudan waxa RW Sudan loo gudbiyey Dhambaal Qoraal oo uu u soo diray Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

Kulankaasi waxaa looga hadlay Xiriirka labada dal, Taageeradda Qatar ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Maalgashiga, Tababarada, Iskaashiga iyo Dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Jaasim Al-Thani oo ka hadlay Shir Jara’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Sudan, Maryama Saadaq Al-Mahdi ku qabteen magaalladda Khartoum waxa uu ku shaaciyey inay Qatar dhexdhexaadin doonto Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta Khilaaf dhanka Xuduudka iyo Saami-qeybsiga biyaha ee Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Waxa kale oo uu tilmamay inuu Sarakiisha Sudaan kala hadlay Arrimaha Mandiqada, gaar ahaan Xiisadda haatan ka dhex aloosan Sudan iyo Ethiopia.

“Ma doonayo wax kasta oo dhibaataynayo dadka Sudan, Ammaankooda ama Noloshooda. Waxaa kale oo aan bogaadinaynaa qaabka ay Sudan ku wajahayso arrimahaasi ee Caaqilnimada iyo qaabka Diplomaasiyadeed ee deggan” ayuu yiri Ku-xigeenka RW Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Waxa uu sii raaciyey inay rajeynayaan in xalinta Xiisadahaasi loo mari doono Wada-xaajood iyo Xiriir Diplomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee Sudan iyo Ethiopia.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Imaaraadka Carabta sheegtay inay ka laabatay dadaalkii Dhexdhexaadinta ee ay ka dhex waday Sudan iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda waxa uu Xukuumadda Sudan u gudbiyey Codsi ku aadan sidii ay Qatar Deegaan Maalgelin uga samaysan lahaayeen gudaha Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here