Lille Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Ligue 1 & Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee PSG Oo Soo Dhamaaday

0
205

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Lille ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 iyadoo soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee PSG oo horyaalka si joogto ah ugu qaadaysay si xidhiidh ah u qaadaysay intii ka dambaysay 2017.

Lille oo miisaaniyaddeeda sannadkii ay tahay 150 milyan oo kaliya, isla markaana saddex jibbaar ka hoosaysa PSG ayaa waxay hoggaanka soo haysay inta badan xilli ciyaareedkan, waxaanay guusheeda hanashada horyaalka ku xaqiijisatay guul 2-0 ahaa oo ay caawa ka gaadhay Angers.

PSG oo hal dhibic ka dambaysay Lille ayaa rajaynaysay in la qabto kooxdan si ay uga sare mari karaan, waxaanay kusoo tunteen Brest oo ay 2-0 ku karbaasheen.

Daqiiqaddii 10aad ayay Lille xaqiijisatay in ay ku guuleysanayso horyaalka oo illaa intii ay ciyaartu dhamaanaysay aanay damaanad buuxda u haysanin, markaas oo kubbad uu kasoo shaqeeyey Renato Sanchez uu gool u beddelay Jonathan David, ka hor intii aanu Burak Yilmaz goolka labaad oo rikoodhe ahaa hoggaanka ugu dhiibin kooxdiisa.

Ciyaartan ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Lille oo sidaas ugu dhamaysatay kaalinta koowaad ee horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, isla markaana hal dhibic ka sarraysa PSG oo kaalinta labaad gashay.

PSG ayaa iyaduna waxay 2-0 kaga soo badisay Brest, waxaana goolka hore iska dhaliyey Romain Faivre oo Brest ka tirsan, midka labaadna waxa raaciyey Kylian Mbappe.

Kooxdan ayaa noqotay mucjiso la mid ah sidii Leicester City ee sannadkii 2017 ay ugu guuleysatay horyaalka oo kale, sababtoo ah waxay saadaasha kaga jirtay meelaha ugu hooseeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here