Ayuu Ahaa Qofkii Uu La Hadlayay Markii Uu Luis Suarez Garoonka Ka Dhex Barooranayay?

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Luis Suarez ayaa garoonka dhex-fadhiistay isagoo ooyaya oo ay indhihiisu qoyan yihiin, dabnihiisa iyo wajigiisa oo dhan ayaa laga garanayay in uu ooyayo, laakiin may ahayn murugo ee waxay ahayd mid farxadeed.

Xikmadda Soomaalida ayay ku jirtaa in qofku uu labo marba ooyi karo; marka uu faraxsan yahay iyo marka uu murugaysan yahay, waxaanay Luis Suarez u ahayd xaaladda hore.

Xiddiga reer Uruguay ayaa Atletico Madrid ku hoggaamiyey horyaalka Spain ee LaLiga oo gool uu caawa dhaliyey uu kooxdaas u horseeday in horyaalka ay ka qaaddo Real Madrid oo laba dhibcood oo kaliya ka dambaysay.

Laacibkan ayaa hore horyaalka Spain ee LaLiga ugu soo guuleystay afar jeer oo uu Barcelona la qaaday, laakiin marna lagama arag isagoo garoonka oohin la dhex-fadhiistay sidan oo kale, waxaanay taasi muujinaysaa in uu koobkani uga qiime badan yahay kuwii hore.

Sababta uu sidan ugu ooyey Suarez ayaa ah, in uu kaga dhabeeyey ballan-qaadkiisii ahaa in uu Barcelona iyo dunida oo dhan tusi doono, in uu yahay ciyaartoy wanaagsan, walina aanay da’du saamayn ku yeelanin, kaddib markii ay Barcelona kasoo eriday kooxdeeda xagaagii, markaas  oo Ronald Koeman uu u sheegay in uu raadsado koox uu u ciyaaro, isagana aanu ku jirin qorshihiisa.

Kaddib markii ay ciyaarta iyo dabbaal-deggu soo dhamaadeen, Luis Suarez ayaa garoonka dhexdiisa fadhiistay, isaga oo lasoo baxay  telefoonkiisa oo sida muuqata uu FACETIME kala hadlayay qof.

Warbaahinta ayaa qofka uu Suarez la hadlayay waxay ku sheegeen in uu yahay Lionel Messi oo ay saaxiibbo dhow yihiin, toddobaadkii hore dhamaadkiisiina ay wada joogeen magaalada Madrid oo uu laacibka reer Argentina kusoo dhoweeyey.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here