Phil Foden Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Adkaa Ee Uu Ka Hor Tegay Intii Uu Garoomada Ku Jiray

0
289

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga da’da yar ee garabka weerarka uga ciyaara Manchester City ee Phil Foden magacaabay laacibkii ugu adkaa ee uu abid ka hor tegay intii uu garoomada ku jiray, kaas oo uu sheegay in uu joogo meel kasta oo garoonka ah.

Foden ayaa bandhig cajiib ah ka dhigay garoomada xilli ciyaareedkan, isagoo isku daray liiska ciyaartoyda loo saadaalinayo in haddii uu bandhiggan sii wado ay uu ku guuleysan doono abaal-marinta xiddiga adduunka, ayaa waxa uu dhaliyey 15 gool iyo sagaal uu caawiye ka noqday.

Mid ka mid ah goolashiisii ugu quruxda badnaa waxa uu dhaliyey toddobaadkan isagoo kubbad uu ka qaatay meel badhtamaha garoonka ka dambaysa shabaqa ku hubsaday.

Da’yarkan oo qayb ka noqon doona xiddigaha xulka qaranka England ee toddobaadka soo socda  lagu dhawaaqi dooino, kana qayb-geli doona Koobka Adduunka, ayaa la weydiiyey ciyaartoygii ugu adkaa ee uu ka hortegay muddadii uu ciyaaraha ku jiray, waxaanu markiiba lasoo booday laacib nefiska u diiday oo meel kasta oo garoonka ah ag-taagnaa.

Phil Foden ayaa waxa uu sheegay in N’Golo Kante uu yahay ciyaartoygii ugu adkaa ee uu la ciyaaray, waxaanu si kooban u yidhi: “meel walba oo garoonka ah wuu joogaa”

“Ciyaartoygii ugu adkaa waa N’Golo Kante. Meel walba wuu joogaa.” Ayuu yidhi Foden oo intaa ku daray: “Waxaad u malaynaysaa in aad ka tagtay, balse haddana mar walba garabkaaga ayuu taagan yahay, markaa isaga ayaan odhanayaa waa ‘ciyaartoygii iigu adkaa’.

“Wax walba ayuu sameeyaa, meel walba wuu ordayaa, waa ciyaartoy aad u wanaagsan, waana laacibkii iigu adkaa ee aan abid ka hor tegay.”

Phil Foden iyo N’Golo Kante ayaa dhamaadka bishan waxay mar kale iskaga hor iman doonaan finalka Champions League oo ay labadooda kooxood ee Manchester City iyo Chelsea ku ballansan yihiin garoonka Esatdio do Dragao ee magaalada Porto ee waddanka Portugal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here