Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Muqdisho

0
237

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guuudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka anba baxay Magaalada Jowhar ayaa waxa ay gaareen Magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Hir-Shabeelle, mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda & guddigii loo xilsaaray soo dhaweynta Madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guuudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu uga qeyb geli doonaa Shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka, kaas oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Horay waxaa Magaalada Muqdisho u gaaray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxaana kaliya harsanaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo isna Maanta gaaray Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here