Maalinta Koobaad ee Shirka Arimaha Doorashooyinka oo La soo Gaba gabeeyay.

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay maalintii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo saaka furmay.

Shirka oo uu gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxana looga hadlay sidii loo wajihi lahaa xal ka gaarista Arrrimaha doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxda shirka ka qeyb gashay ay gaareen isfaham, isla markaana Maalinta Berito oo Axad ay madaxda dib isugu laaban doonaan si ay shirka u sii amba qaadaan.

Qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, inta badan saamileyda Siyaasadeed ee dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay shirka, iyaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay kasoo baxaan heshiis laga gaaro doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here