Horyaalka LaLiga Oo Ku Dhamaanaya Qaabkii Ugu Adkaa & Dhibaatooyinka Real & Atletico Mari Doonaan.

0
164

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa indhaha isku-hay, midba midka kale ayuu hoosta ka habaarayaa, laakiin kooxda xaaladdeedu liidato waa Real Madrid oo xataa haddii ay guuleysato aanay saddexda dhibcood ugu filnaanayn in ay horyaalka ku guuleysato, waana sababta ay ugu ducaysanayso in Atletico la qabto.

Atletico Madrid ayaa ogsoon in saddex dhibcood oo ay Sabtida ka helaan Real Valladolid ay horyaalka Laliga ugu guuleysan karayaan markii ugu horreysay tan iyo 2014, laakiin Real Madrid oo koobka difaacanaysa ayaa laba dhibcood ka dambaysa Atletico, waxaanay kaliya horyaalka ku heli kartaa in ay dhibco lumiso Los Rojiblancos oo laga badiyo ama la barbarreeyo iyaguna ay kasoo guuleystaan Villarreal.

Xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa lagu xasuusanayaa mid aan wax fursad ah la isasiinin illaa kulankii ugu dambeeyeyna la isku maran yahay.

Farqiga u dhexeeya labadan kooxood ee koobka ku loollamaya waa garoomada ay ku ciyaarayaan; Real Madrid waxay garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku martigelinaysaa Villarreal oo ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan, haddii ay garaacdo Real Madrid na soo geli karta kaalinta shanaad haddii laga badiyo labada kooxood ee ka horreeya ee Real Sociedad iyo Real Betis oo ay midna isku dhibco yihiin midna hal dhibic ka horreyso, sidoo kalena joogta finalka Europa League.

Atletico Madrid ayaa iyaduna waxay marti u noqonaysaa Real Valladolid oo ku jirta kaalinta 19aad ee horyaalka, laakiin haddii ay garaacdo Atletico ka badbaadi doonta in ay dib ugu noqoto heerka labaad ama Serie B, waxaanay ciyaartani labada kooxoodba u tahay final iyadoo midna rajadooda kusii jirista LaLiga ku xidhan tahay ciyaartan, midda kalena hanashada horyaalku kaga xidhan tahay ciyaartan.

Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa dhamaan ciyaartoydiisa oo ay ku jiraan dhaawacyadu u sheegay in ay isku diyaariyaan safarka, iyagoo inta ciyaaraysa mooyaane inta kale kaydka wada fadhiyi doona.

Thomas Lemar oo aan tababarka kooxda la qaadanin toddobaadyadii u dambeeyey maadaama uu dhaawacan yahay ayaa safarka qayb ka noqday, sidoo kalena saddexda goolhaye ee Grbic, Oblak iyo San Roman ayaa iyaguna diyaaradda qabsaday, halka dhamaan difaacyaduna ay kooxdooda wada raaceen, waxaana ku jira Stevan Savid oo ganaax kaga maqan ciyaartan.

Xiddigaha Atletico Madrid ee kulankan

Goolka: Grbic, Oblak iyo San Roman

Difaaca: Gimenez, Lodi, Felipe, Hermoso, Trippier, Vrsaljko iyo Savic oo dhaawac ah.

Dhexda: Kondogbia, Torreira, Koke, Saul, Llorente, Herrera, Vitolo iyo Carrasco

Weerarka: Joao Felix, Luis Suarez, Correa iyo Dembele.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa garoonkeeda joogta oo dhamaan ciyaartoydeedu ay iman karayaan Alfredo Di Stefano, laakiin Zinedine Zidane ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa kulanka Villarreal, waxaana dib ugu soo laabtay Raphael Varane iyo Sergio Ramos oo dhaawacyo ay muddo ku maqnaayeen kasoo kacay.

Laakiin waxa qasab ah in garoonka uu ka maqnaanayo Toni Kroos oo karantiil ku jira, isla markaana xataa haddii kooxdiisa uu nasiibku caawiyo oo ay ku guuleysato horyaalka aan kala soo qayb-geli doonin dabbaal-degga.

Xuddigaha Real Madrid ee kulankan:

Goolka: Courtois, Lunin and Altube.

Difaaca: E. Militão, Sergio Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola and Miguel.

Dhexda Modrić, Casemiro, Valverde, Isco and Blanco.

Weerarka: Benzema, Asensio, Vini Jr., Mariano and Rodrygo.

Si kastaba, labadan kulan ayaa ka dhigan laba final, sababtoo ah Real Madrid waxay ciyaaraysaa Final oo kale, halka Atletico Madrid iyo Real Valladolid ay iyagana mid walba u tahay final. Waxa kale oo ay kulamadani ka dhigan yihiin laba koob, sababta sidan loogu tilmaamayna, waa in horyaalka LaLiga ee ay Altetico & Real midkood calfanayo ay dheer tahay, Valladolid oo ciyaarteeda oo ay guuleysato ay uga dhigan tahay sidii ay koob ku guuleysatay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here