Afrika oo laga Hirgalinayo Xarumo lagu Soo Saaro Tallaalka Covid-19.

0
236

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Midowga Yurub ayaa ku talo jira inuu ku maal geliyo lacag hal bilyan oo Euro ah oo u dhigantaa 1.2 bilyan oo doolar in lagaga dhiso Afrika xarumo lagu sameeyo talaalka Covid-19.

Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in sidoo kale Midowga Yurub ugu deeqayo 100 milyan oo irbadood oo talaalka ah dalalka dakhiligoodu hooseeyo iyo kuwa uu meel dhaxaadka yahay dabayaaqada sannadkan.

Hadalkan waxay ka sheegtay shir lagaga hadlayey Covid-19 oo ka dhacay magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee talaalka sameeya waa Pfizer/BioNTech ay madashaa ka shaacisay in ay sideedda iyo tobanka bilood ee soo socda qiimo jaban ugu samayn doonto dalalka saboolka ah laba bilyan oo irbadood oo talaalka ah.

Shirkaas ka dhacay magaalo madaxda Talyaaniga, ayaa looga gol lahaa in lagu helo qaabka ugu haboon ee la isugu dubaridi karo dedaalka caalamiga ah ee ka hor tagga safmarka.

Qaaradda Yurub ee waxa laga soo saaray laba nooc oo talaalka ka hortagga safmarka Covid-19 ah. Labadaa nooc ka kaydintiisu sahalan tahay ee haatan wadamada saboolka ah ee dunida saddexaad loogu deeqay ee ay ku helaan habka la yidhaa COVAX waa AstraZeneca.

Shirkadda AstraZeneca ee soo saarta dawooyiinka ee fadhigeedu yahay UK oo kaashanaysay jaamacadda Oxford ayaa soo saartay talaalkan looga hortagayo fayraska koroona, dhamaadkii sanadkii hore.

Talaalka sidiisaba, wuxuu unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19.

Natiijooyinka ka soo baxay hay’adda Caafimaadka Dadweynaha England (NHS), waxay ku saleysan yihiin dadka da’doodu ka weyn tahay 80 sano, oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee laga billaabay tallaalkan.

In ka badan 10,000 qof oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkan.

Marka la isku duro, wuxuu difaacayaa jirka oo baranaya sida loola dagaallamo fayraska dhabta ah, haddii loo baahdo.

Si ka duwan tallaalka Pfizer, oo ay tahay in lagu hayo meel ka qabow (-70C), tallaankan Oxford waxaa lagu keydin karaa qaboojiye caadi ah. Tani waxay fududeyneysaa in la geeyo talaalkan meelo badan.

Tijaabo lagu sameeynayay talaalkan ayaa mar sababay in laga hakiyo guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waxay ahayd markii labaad oo hakad lagaliyay talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabada talaalka la dhigay isbataal laguna sameeyay baaritaan madaxbanaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here