Zinedine Zidane oo ku dhawaaqay in uu ka Tagi Doono Real Madrid.

0
145

Jowhar (Radio-Isnaay)-Real Madrid waxa u hadhay kaliya hal kulan xilli ciyaareedna waxana  ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal kulan ugu dambeeya ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Taabaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa ka hor kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka oo noqon kara kulankii ugu dambeeyay ee uu hogaamin karo kooxda.

Zidane oo la waydiiyay in ay kooxda Real Madrid noqon doonto koox ka fiican haatan hadii uu tababare cusub la wareego xilli ciyaareedka dambe waxana uu ku jawaabay”Shaki la’aan waxa ay noqon doontaa koox ka fiican haatan”.

Zidane ayaa cadaadis lagu sii saaray in uu ka hadlo mustaqbalkiisa laakiin waxa uu ku adkaystay in uu kaliya diirada saarayo kulanka ugu dambeea ee xilli ciyaareedkan.

“Waxa aan ciyaari doonaa kulan maalinta bari ah, arintaas ayaan ah mida ugu muhiimsan ayuu sii raaciyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here