Sergio Ramos oo ku Duceysanaya in uu qeyb ka noqdo Kulanka Real Madrid iyo Villarreal.

0
185

Jowhar (Radio-isnaay)-Sergio Ramos ayaa wajahaya afartii maalmood ee ugu muhiimsaneyd waayihiisa ciyaareed. Daafaca ayaa ku duceysanaya in inta u dhaxeysa Jimcaha ilaa Isniinta inay wax walba u hagaagaan.

Marka ugu horeysa wuxuu doonayaa inuu qeyb ka noqdo kooxda Real Madrid ee la ciyaareysa Villarreal, ka dib wuxuu doonayaa inuu dheelo kulankaas lagu soo xirayo La Liga.  Haddii uu ciyaaro, wuxuu doonayaa inuu soo bandhigo qaab ciyaareed Real Madrid ka dhaadhicin karta inay u cusbooneysiiyaan qandaraaskiisa islamarkaana uu ku xaqiijisto booskiisa xulka Spain ee ciyaaraha Qaramada Yurub.

Ramos wuxuu ku jiraa waqti aad u adag haatan, maalmaha soo socda ayaa muhiim weyn u ah. Koobka horyaalka La Liga ayaa miiska saaran maalinta ugu danbeysa xilli ciyaareedka iyadoo Los Blancos ay la ciyaareyso Villarreal, waana kulan muhiim u ah Ramos.

34 maalmood ayuu Ramos garoomada ka maqnaa markii uu soo laabtay kulankii Chelsea, wuxuu kabtanka u muuqday mid ku soo degdegay soo laabashadiisa. Ugu danbeyntiina isaga iyo tababare Zidane kuma aysan faa’idin soo laabashadiisii degdegta aheyd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here