Harry Kane oo Shaaciyey Kooxda uu Doonayo in uu Ku Biiro

0
209

Jowhar (Radio-Isnaay)- Harry Kane ayaa si maldahan u sheegay in ay Man City Noqon Doonto Kooxdiisa cusub hadii uu ka tago Tottenham xagaaga isaga oo xiddiga Kevin De Bruyne ku tilmaamay xiddiga uu ku riyoodo in uu ka garab ciyaaro.

Kabtanka reer England ayaa dibada soo dhigay rabitaankiisa ah in uu isaga tago kooxda Tottenham todobaadkii hore xilli ay Man City hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Kane oo la hadlaya Neville ayaa yidhi”Marka aan daawado De Bruyne waa mid khaas ah, waxana aan ku riyoonayaa in aan ka garab ciyaaro”.

“Waa xiddig heer sare ah waxa aan arkay qaab ciyaareedkiisa muddo dheer waana xiddig ku fiican wax walba hadii aan runta ka hadlo”ayuu sii raaciyay.

Kane ayaa 32 gool dhaliyay 16 kalena caawiyay Tottenham xilli ciyaareedkan laakiin Spurs ayaa galaya maalinta ugu dambeysa xilli ciyaareedka iyagoo ku jira kaalinta 7-aad waxana ay xitaa seegi kartaa Europa league xilli ciyaareedk dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here