Cudur Halis ah oo ka Dillaacay Wadanka Hindiya

0
153

Jowhar (Radio-isnaay)- Mas’uuliyiinta caafimaadka Hindiya ayaa ugu baaqay gobollada dalkaas inay ku dhawaaqaan in xanuun faafa uu ka dillaacay halkaas kaddib markii ay kordheen kiisaska xanuunka dilaaga ah ee “Black fungus”.

Caabuqan dhifka ah, oo lagu magacaabo mucormycosis, ayaa 50% sababa dhimasho, iyadoo dadka qaar lagu badbaadiyo in laga saaro il amaba lafta garka.

Balse bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxay diwaan-gelisay kumannaan kiisas ah oo la xiriira bukaannada ka soo kabtay amaba ka soo kabanaya Covid-19.

Dhakhaatiirta ayaa ka shakisan in laga yaabo in xanuunkan uu la xiriiro dawooyinka lagula tacaalo Covid-19.

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka dalkaas, Lav Agarwal, ayaa Khamiistii farriin u diray 29-ka gobol ee Hindiya taas oo uu uga codsanayo inay ku dhawaaqaan in xanuunkani yahay mid faafa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here