Shir lagu heshiisiinayo laba Beelood oo ka furmay Magaalada Beledweyne

0
157

JOWHAR (Radioisnaay) Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ka furmay shir lagu heshiisiinay laba Beelood oo dhawaan ku dagaalamay duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirka oo uu furay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheekh Isaaq ayaa waxaa goobjoog ka ah Odayaasha iyo Waxgaradka labada beelood, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Hirshabelle, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Xildhibaan Cabdifataax Qaasim, Wasiiru Dowlaha Cadaalada Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid & Santar Cismaan Axmed Macow.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ah Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiye Kuxigeenkii hore Baarlamaanka Hir-shabeelle Cabdi Xuseen Geedi & Xubno kale, waxaana looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa colaada labada Beelood oo weli ka taagan degaano ku yaal duleedka Beledweyne.

Shirka oo uu furay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa sheegay in dagaal uusan waxba soo kordhineyn, balse loo baahan yahay in miiska wada-hadalka wax walba lagu dhameeyo.

Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa degaannada lagu dagaalamay, isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle uu gacan ka geeysan doono arrintaas.

Degaano ku yaal Galbeedka magalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagal culus oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, kaas oo sababay in guryo farabadan lagu gubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here