Liverpool Oo Kaalinta Afraad Kala Baxday Leicester Iyo Reds Oo Ka Aarsatay Burnley.

0
193

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa soo gashay kaalinta afraad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, booskaas oo ay kala baxday Leicester City kaddib guul 3-0 ahayd oo ay kasoo gaadhay Burnley oo ay Turf Moor marti ugu ahayd.

Liverpool ayaa u baahnayd in ay guuleysato si ay usoo gasho kaalinta afraad, xilli ciyaareedka dambena uga soo qayb-geli karto Champions League, waxaana saddexda dhibcood ee ciyaartu ay siinaysay in ay iska garbiyaan Leicester oo afraad usoo dhacday Salaasadii markii ay Chelsea guul-darrada kala kulantay.

Saddex gool oo ay u kala dhaliyeen Roberto Firmino, Nat Phillips iyo Oxlade-Chamberlain ayaa guushan muhiimka ah ku hoggaamiyey Liverpool oo halis ugu jirtay in ay ka hadho tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe haddii aanay saddexdan dhibcood heli lahayn.

Burnley ayaa labadii qayboodba heshay fursado qaali ahaa oo ay waqti horeba ku dili kari lahayd Liverpool, laakiin gool gantaal ahaa oo uu Roberto Firmino dhamaadka qaybta hore difaaca Burnley iyo goolhayahoodaba ka dhex-saaray ayaa Liverpool ay ku heshay degganaan iyo niyadda oo ay gashadeen in ay guusha ciyaarta  helayaan.

Firmino ayaa xerada ganaaxa ka helay kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Andrew Robertson, waxaanu diiday inuu wax fursad ah siiyo difaaca isagoo toogasho cajiib ah  sameeyey, kubaddana goolka ku hubsaday.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo si aad ah u shaqaynayay, isla markaana kubbado heersare ahaa ka helayay Thiago Alcantara iyo Alexander-Arnold ayaa xerada ganaaxa la tegay kubbado goolal loo fishay, laakiin midkoodna uma suurtogelin in uu shabaqa  soo taabto.

Daqiiqaddii 52aad ee bilowga qaybta dambe ayuu Nat Phillips madax ku qabtay kubbad uu soo qaaday Sadio Mane, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0, iyadoo Liverpool si weyn ugu dabbaal-degtay goolkaas.

Burnley ayaa kubbad ay dhaafisay goolhaye Alisson waxa madax kaga soo qabtay Nat Phillips iyadoo waxyar u jirta in ay ka gudubto xariiqda, halka Williams uu isaguna joojiyey kubbado halis ahaa.

Mohamed Salah ayaa kubbad uu ula tegay goolhayaha waxa cidhiidhiyey difaaca Burnley, taas oo ahayd waxyar kaddib kubbad uu Mane usoo dhiibay oo uu ku toogtay goolka balse iyadoo dhulka socota waxyar dhinaca ka  martay birta.

Alex Oxlade-Chamberlain oo beddel kusoo galay ayaa daqiiqaddii 88aad ciyaarta ka dhigay 3-0, waxaanay sidaas Liverpool ku heshay guul weyn saddex dhibcood iyo saddex gool oo ay intaba aad ugu baahnayd.

Liverpool ayaa soo gashay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay booska kala baxday Leicester City oo ay kaga hormartay farqiga goolasha.

Labadan kooxoodba waxay leeyihiin min 66 dhibcood hase yeeshee Liverpool ayaa haysata 24 gool halka Leicester ay haysato 20 gool.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here