Juventus Oo Ku Guuleysatay Coppa Italia iyo Buffon Oo Koob Sagootin Ah Sii Helay.

0
192

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ku guuleysatay Coppa Italia kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Atalanta oo si adag u halgantay.

Dejan Kulusevski ayaa dhaliyey goolka  koowaad ee Juventus, waxaanu ka shaqeeyey oo uu caawiyey goolka labaad ee Juventus oo uu saxeexay Federico Chiesa qaybtii dambe, iyadoo Atalanta la timid hal gool oo gantaal ahaa oo uu Buffon waxba ka qaban kari waayey oo uu toogtay Ruslan Malinovskyi.

Juventus ayaa Coppa Italia ku guuleysatay markeedii 14aad waxaanay sidaas kaga badbaadday in ay xilli ciyaareedkan ku dhacaan koobab la’aan maadaama Inter Milan ay soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee horyaalka Serie A, sidoo kalena ay wareeggii 16ka kaga hadheen tartanka Champions League.

Atalanta ayaa rajaynaysay in ay hantido koobkeedii ugu horreeyey tan iyo 1963kii iyo inay kasoo kabtaan niyad-jabkii ay Lazio ugu geysatay finalka tartankan laba sannadood ka hor, laakiin Kulusevski iyo Chiesa ayaa baabi’iyey rajadaas.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Mapei Stadium ee Reggio Emilia ayaa loo ogolaaday in 4,300 taageereyaal ahi ay yimaaddaan, waxaana tababare Andrea Pirlo uu ka walwalsanaa labadiisa xiddig ee Alex Sandro oo ganaax ahaa iyo Leonardo Bonucci oo dhaawac jilibka ah ku maqnaa.

Duvan Zapata ayaa waqti horeba tijaabiyey Matthijs de Ligt oo uu sii xeeladeeyey daqiiqaddii saddexaad ee  bilowga ciyaarta, waxaase kubaddaas oo halis ahayd labada lugood u adeegsaday Gini Buffon oo la rumaysan yahay inay ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu Juventus u safto.

Daqiiqaddii 31aad ee ciyaarta ayuu Dejan Kulusevski hoggaanka u dhiibay Juventus kaddib markii uu shabaqa Atalanta  dhex dhigay kubbad  uu ka helay Weston McKennie, laakiin toban daqiiqadood kaddib ayay ciyaartu noqotay 1-1, kaddib markii uu Ruslan Malinovskyi kubbad awood badan ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Juventus.

Chiesa ayaa birta ka jaray kubbad uu cidhib ugu soo dhiibay Cristaino Ronald oo daqiiqado gudahood haddana madax ku qabtay kubbad halis ahayd.

Daqiiqaddii 73aad ayay Juventus xaqiijisatay goolka guusha oo uu u saxeexay Federico Chiesa oo kubbad ka helay Dejan Kuluvski oo si adag u shaqaynayay.

Atalanta ayaa ciyaarta ku dhamaysatay toban ciyaartoy, waxaana kaadh cas oo toos ah lagaga saaray Rafael Toloi xilli laba daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here