Hay’adda ICRC oo ku Baaqday in Isbadal lagu sameeyo Tallaalka Covid-19.

0
154

Jowhar (Radio-Isnaay)-Hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa ugu baaqday dowladaha hodanka ah iyo warshadaha dawooyinka, in ay isbeddel weyn ku sameeyaan itiraatiijayaddooda ku aaddan soo saarista iyo keenista tallaalka Covid-19.

Madaxa ICRC ee ka shaqeeya Covid, Esperanza Martinez, ayaa sheegay in boqolkiiba 2 tallaalada la heli karo la geynayay 50-ka dal ee ugu saboolsan.

Meelaha qaar, xitaa shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira ayaan weli helin tallaal.

Dr Martinez, ayaa sheegay, in halista adduunka ka jirta ay tahay, haddii aan si caddaalad ah wax loo qeybin, bulshooyinka danyarta ahna aan la tallaalin ay abuuri karto, in uu dhasho nooc cusub oo cudurkan ka farcama, taas oo aan tallaalka wax ka qabaneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here