Chelsea oo xasuuq ay ugeystay Leicester ku gashay Kaalinta Saddexaad ee Premier League

0
204

Jowhar (Radio-Isnaay)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, waxaanay ka aargoosatay oo ay 2-1 ku garaacday Leicester City oo ay booska kala baxday.

Kulankan oo muhiimad weyn u lahaa labada kooxoodba, isla markaana go’aamin karaya afarta naadi ee Champions League uga soo qayb-geli doona Ingiriiska xilli ciyaareedka dambe, ayaa waxa guul ay aad ugu rafaadday ka gaadhay Chelsea oo dirqi kaga badbaaday dagaal ay Leicester City waqti dambe gashay.

Chelsea ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 47aad ee bilowga qaybta dambe, waxaana kubbad koorne ahayd oo uu soo qaatay Chilwell shabaqa Leicester ku leexiyey Antonio Rudiger.

Daqiiqaddii 66aad ayay Chelsea xaqiijisatay in ay guuleysanayso, waxaana loo dhigay rikoodhe looga soo daawaday VAR, kaddib markii uu Fofana qalad ku galay Werner, waxaana gool ku laadkaas gool u beddelay Jorginho.

VAR ayaa qaybtii hore waxay gool ka diiday Chelsea kaddib markii uu Werner oo dhaliyey goolka lagu helay inuu offside ku jiray.

Leicester City ayaa soo noolaatay daqiiqaddii 76aad oo uu gool u dhaliyey Iheanacho oo beddel kusoo galay, waxaanay ciyaartu soo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Chelsea.

Blues ayaa soo gashay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, waxaanay yeelatay 67 dhibcood, iyadoo hal dhibic ka sarraysa Leicester City oo u degtay afraad, haysatana 66 dhibcood.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here