PSG oo shaacisay inay qandaraaska u cusbooneysiisay mid ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan

0
240

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday caawa oo Isniin ah inay qandaraaska u cusbooneysiisay laacibka reer Jarmal ee Julian Draxler illaa iyo xagaaga 2024.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay:

“Kooxda Paris waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo cusbooneysiinta qandaraaska Draxler seddex xilli ciyaareed oo dheeri ah, kaddib markii uu yimid kooxda bishii January 2017 isagoo ka yimid Wolfsburg, hadana ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kula jira kooxda qandaraas ilaa iyo inta laga gaarayo. Juun 30, 2024.”

Julian Draxler ayaa ku soo ciyaaray maaliyada kooxda Paris Saint-Germain 172 kulan, wuxuu inta mudadaas lagu jiray ku dhaliyay 24 gool, isagoo saaxiibadiis ka caawiyay 39 gool, wuxuuna kula guuleystay saddex horyaalka France Ligue 1 ah sanadihii 2018, 2019 iyo 2020. .

Sidoo kale Julian Draxler ayaa la qaaday kooxda Paris Saint-Germain tartanka Coupe de France oo seddex jeer ah sanadihii 2017 2018 iyo 2020.

Sidoo kale Julian Draxler ayaa wuxuu kula guuleystay Koobkii Aduunka 2014 xulkiisa qaranka Germany, iyadoo laga war qabo inuu la ciyaaray xulkiisa 56 kulan oo caalami ah, wuxuuna dhaliyay  7 gool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here