Mareykanka oo Falastiin iyo Israa’iil ugu Baaqay Xabad Joojin.

0
224

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inkasta oo Maraykanku mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah.

Biden ayaa ku wargeliyey ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqal Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dadaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan”.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa”.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadana uu Biden ansixiyey heshii Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar.

Hogaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha.

Maraykanka ayaa mar kii saddexaad diiday qorshe Golaha Ammaanku ku doonayey inuu ku soo saaro bayaan Israel ka dalbanaya in ay joojiso weerarka milatari waxaanu taa badalkeeda ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay “dadaalkiisa diblomaasiyadeed”

Af-hayeenka Aqalka Cad ayaa warfidiyeenka u sheegtay in “qorshahayagu haatan waa weeyi in wadahadallada aan muuqani ay yihiin talaabada ugu wax ku oolsan ee aanu qaadan karno”‘

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here