Alisson Oo Liverpool Madax Ku Badbaadiyey Ilbidhiqsiyadii Ugu Dambeeyey.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey guul ka gaadhay West Brom, waxaanay soo nooleeyeen rajadoodii ka qayb-galka Champions League xilli haddii siidhiga dhamaadka la afuufi lahaa ay rajo la’aan noqon lahaayeen.

Liverpool ayaa guul qasab ah u baahnayd si ay ugu soo dhowaato Chelsea oo hadda dhibic kaliya ka horreysa, waxaase rajadooda cirka ku laalay Robson-Kanu oo daqiiqaddii 15aad ee bilowga qaybta hore gool kaga nixiyey, hase yeeshee Mohamed Salah ayaa isla qaybta hore u keenay goolka barbarraha.

Reds ayaa dedaal badan samaysay qaybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo laba fursadood oo goolal loo qaatayna ay ka lumiyeen Alexander-Arnold iyo Gini Wijnaldum, laakiin waxa shimbirkooda noqday goolhaye Alisson Becker oo daqiiqaddii ugu dambaysay soo galay koorne ay kooxdiisu heshay.

Goolhayaha reer Brazil ayaa madax awood badan ku qabtay kubadda, waxaana uu ku hubsaday shabaqa West Brom, taas oo markii lasoo dhigay badhtamaha garoonka ee la isku laadayna ay sikino kooban kaddib dhamaatay ciyaartu.

Liverpool ayaa yeelatay 63 dhibcood waxaanay hal dhibic ka dambaysaa Chelsea oo 64 dhibcood leh balse Salaasada la ciyaari doonta Leicester City oo iyaduna ku jirta kaalinta saddexaad, haysatana 66 dhibcood, halka Liverpool ay Burnley la ciyaari doonto isla maalintaas.

Natiijada Chelsea iyo Leicester City ayaa faa’iido weyn u noqon doonta Liverpool haddii ay iyadu soo badiso, waxaana midkooda laga badiyaba ay kala bixi kartaa booska, halka barbarro ay wada galaanna ay halis ku jirto Chelsea  oo ay Liverpool ka sarrayn doonto hal dhibic.

Waxa kale oo jira kulamo adag oo u hadhsan labada kooxood ee Liverpool ka horreeya ee Chelsea iyo Leicester City, waxaanay Axadda toddobaadka dambe la kala ciyaari doonaan Aston Villa iyo Tottenham, halka Liverpool ay la ciyaari doonto Crystal Palace.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here