Tababare Zidane OO Go’aan Lama Filaan Ah Qaatay & Ciyaartoyda Real Madrid Oo La Wargeliyay.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Zinedine Zidane ayaa durbaba u sheegay ciyaartoydiisa inuu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan 2020-21. Ma sii ahaan doono tababaraha Los Blancos sannadka soo socda.

Sabtidii la soo dhaafay ka dib markii ay Champions League uga hareen gacmaha Chelsea iyo ka hor kulankii La Liga ee Sevilla, Zidane ayaa la hadlay ciyaartoydiisa ka dib tababarka isagoo u sheegay go’aankiisa. Waana sababta uu maalintaas uga soo daahay shirkiisii jaraa’id ee caadiga ahaa sida ay sheegtay jariirada Marca.

Warkaan waxaa baahiyyay Fernando Burgos oo u shaqeeya idaacada Onda Cero ee dalka Spain, iyadoo jariirada Marca ay xaqiijisay in kulanka uu dhacay maalintii Sabtida ee 8da bisha Maajo.

Tababaraha ayaa u sheegay ciyaartoydiisa inuu go’aankaan si adag iyo si qoto dheerba uga fekeray islamarkaana uu yahay kama danbeys. Wuxuu aaminsan yahay in waqtigiisii Real Madrid inuu soo dhamaaday islamarkaana la joogo waqtigii uu ka dhaqaaqi lahaa.

Waa markii labaad oo uu tababaraha Faransiiska ka tagayo Los Blancos laakiin uma ahan lama filaan sidii markii ugu horeysay ee uu baxay ee 2018.

Zidane ayaa ku guuleystay 11 koob intii uu ahaa tababaraha Real Madrid, wuxuuna ku guuleysan karaa koobkiisii 12aad taasoo ku xirnaan doonta waxa dhaca labada wareeg ee ugu danbeeya xilli ciyaareedka horyaalka.

Kaliya Miguel Munoz oo ku guuleystay 14 koob ayaa ah tababaraha kaliya ee Real Madrid ee ka koobabka badan Zidane.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here