Kulamada Xaasaasiga Ee Maanta Real Madrid vs Athletic Bilbao, Barcelona vs Celta Vigo & Atletico vs Osasuna.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayay kooxuhu hal mar wada ciyaarayaan maanta iyadoo la gaadhay waqtigii xaasaasiga ahaa ee isku saacadda ay bilaabmayeen maadaama ay yihiin min labadii kulan ee ugu dambeeyey.

Atletico Madrid oo hoggaanka haysa ayaa waxay garoonkeeda Wanda Metropolitano kula ciyaari doontaa Osasuna, halka Real Madrid oo kaalinta labaad fadhida, laba dhibcoodna ka dambaysa ay ciyaarta ugu adag sugayso, ayna marti u noqonayso Athletic Bilbao, halka Barcelona oo saddexaad fadhidaana ay Camp Nou ku martigelin doonto Celta Vigo.

Kooxda laga badiyo ayaa dhab ahaan iskaga illoobi doonta horyaalka xilli ciyaareedkan oo min hal kulan oo kali ahi u hadhsanaanayo marka ay soo dhamaadaan kulamada maanta.

Atletico Madrid ayaa u baahan in ay guuleysato labada kulan ee u hadhsan si ay ugu guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 2014, waxaanay rajadoodu ku xidhan tahay natiijooyinka ay garoomada ka keenaan.

Laakiin Real Madrid ayaa laga doonayaa in ay badiso labadeeda kulan ee hadhsay, sidoo kalena ay ku ducaysato in Atletico Madrid ay ugu yaraan barbarro gasho amaba laga badiiyo si ay uga sare mari karto, taas oo Zinedine Zidane u noqon karta horyaalkii labaad oo xidhiidh ah oo uu kula guuleysto Real Madrid.

Barcelona oo ah kooxda ugu rajada xun marka la eego saddexdan kooxood, waxay afar dhibcood ka dambaysaa Atletico, waxaana haddii caawa ay saddexdooduba badiyaan ay macasalaamayn doontaa horyaalka, waxaana rajadooda kali ahi tahay in laga badiyo Real Madrid hal mar, sidoo kalena ay Atletico afar dhibcood lumiso labada ciyaaarood ee u hadhay, taas oo ah rajo aad u fog waqtigan.

Xogta kulamada

Ciyaaraha: Athletic Bilbao vs Real Madrid, Barcelona vs Celta Vigo iyo Atletico Madrid vs Osasuna

Tartanka: Horyaalka Spain ee LaLiga, kulamada 37aad

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoomada: San Mames, Camp Nou & Wanda Metropolitano {sida qoraalka kooxuhu u kala horreeyo}.

Wararkii u dambeeyey kooxahan

Athletic Bilbao & Real Madrid

Athletic Bilbao waxa dhaawacyo kaga maqan Peru Nolaskoain, Ander Capa, Iker Muniain iyo Yuri Berchiche, halka ay sidoo kale kulanka maanta seegayaan Yeray Alvarez, Inigo Lukue iyo Oier Zarraga.

Real Madrid ayay iyadana dhaawacyo ka yihiin Lucas Vazquez, Dani Carvajal, Sergio Ramos, Ferland Mendy iyo Raphael Varane, halka karantiil la geliyey Toni Kroos oo la kulmay qof qaba Korona Fayras.

Barcelona & Celta Vigo

Barcelona waxay mar kale ahaan doontaa Ansu Fati iyo Philippe Coutinho oo muddo dheer dhaawacyo jilbaha ah ku maqnaa, halka Sergi Roberto uu isaguna dhaawac muruqa ah ku maqan yahay.

Frenkie de Jong ayaa ganaax hal kulan ah uu ku dhacay kaddib kaadh uu qaatay ciyaartii Levante, taas oo qasbaysa in uu hal ciyaar ah seego maadaama shantii kaadh u buuxsameen.

Celta Vigo ayay usoo laabteen Nestor Araujo iyo Facundo Ferreyra oo ganaax min hal kulan ah ku maqnaa, laakiin waxa ka maqan oo aan kulankan taam u ahayn Sergio Alvarez, Ruben Blanco, Emre Mor, Jeison Murillo iyo Rnato Tapia.

Atletico Madrid & Osasuna

Atletico waxa aanay haysanin adeegga ciyaareed ee Thomas Lemar oo dhaawac ah, laakiin waxa usoo laabtay Jose Gimenez  oo kaydka fadhiyey kulankii Real Sociedad. Ma jiraan ciyaartooyo kale oo dhaawac ama ganaax ka ah Atletico.

Osasuna waxa usoo laabtay Nacho Vidal oo kulankii hore ganaax ahaa, taas oo ka dhigan in uu difaaca midig ka xoogsan doono Jonas Ramalho.

Ruben Martinez ayaa wali dhaawac ah, balse Arrasate ayaa haysta ciyaartoydiisa kale oo dhamaystiran.

Shaxaha macquulka ah ee kuladan

 

Athletic Bilbao: Simon; De Marcos, Nunez, Martinez, Balenziaga; Berenguer, D Garcia, Vencedor, Morcillo; I Williams, R Garcia

Real Madrid: Courtois; Odriozola, Militao, Nacho, Gutierrez; Valverde, Casemiro, Modric; Vinicius, Benzema, Rodrygo

Atletico Madrid: Oblak; Savic, Gimenez, Hermoso; Trippier, Saul, Koke, Llorente, Carrasco; Suarez, Correa

Osasuna: Herrera; Ramalho, Garcia, Hernandez, Sanchez; Moncayola, Torro, Brasanac; Barja, Budimir, Torres

Barcelona: Ter Stegen; Araujo, Pique, Lenglet; Dest, Busquets, Pedri, Alba; Griezmann, Messi, Dembele

Celta Vigo: Villar; Mallo, Aidoo, Araujo, Martin; Beltran; Mendez, Suarez, Nolito; Mina, Aspas

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here