David Luiz Iyo Willian Oo Go’aan Ka Gaadhay Arsenal Toddobaadyo Ka Hor Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Xagaaga.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddigaha reer Brazil ee David Luiz iyo Willian ayaa helay jawaabta halka ay ka ciyaarayaan xilli ciyaareedka dambe, xilli saddex toddobaad oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Sida ay ku warrantay warbaahinta Ingiriisku, labadan ciyaartoy ayaa go’aansaday mustaqbalkooda xilli ciyaareedka dambe ee Arsenal, laakiin labadooda ayaa ku jira duruufo kala duwan iyadoo midkoodna uu heshiiskiisu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, ka kalena uu haysto muddo kale oo uu qandaraaskiisu kusii haynayo Emirates Stadium.

David Luis ayuu heshiiskiisa kooxda Woqooyiga London ku eg yahay xagaagan, waxaana miidka u saaran dalabyo uga imanaya kooxo badan oo ka dhisan Porutgal, Imaaraadka Carabta iyo horyaalka waddanka Maraykanka oo dhamaantood u gacan haadinaya.

Laakiin laacibkan dhowaanta u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 34aad, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Arsenal, waxaana la isla qaatay in bisha June uu si xor ah uga tago kooxda.

Mikel Arteta ayaa dookhiisa koowaad ka dhigtay Rob Holding, Gabriel Magalhaes iyo Pablo Mari, halka William Saliba uu isaguna kasoo laabanayo amaah uu ku maqnaa, iyo sidoo kalena Calum Chambers ayaa ah dookh kale oo uu tababaraha reer Spain ciyaarsiin karo, taas oo meesha ka saartay Luiz.

Dhinaca kale, Willian oo xilli ciyaareed dhibaato badan ku qaatay Arsenal oo uu inta badan u fadhiyey kaydka, ayaa shaki la gelinayaa mustaqbalkiisa iyadoo qandaraaskiisuna ku egyahay xagaaga 2023.

Laacibkan ayaa saddex sannadood oo heshiis ah u saxeexay Arsenal xagaagii isagoo si bilaash ah ugaga soo wareegay Chelsea oo uu 339 kulan usoo saftay muddo toddoba sannadood ahayd oo uu joogay.

32 jirkan ayaa waxa  xulashada Arteta kaga horreeya Bukayo Saka, Nicolas Pepe, Gabriel Martinelli iyo Emile Smith Rowe, laakiin waxay wararku sheegayaan in uu doonayo in uu sii joogo Emirates Stadum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here