Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Gaalkacyo

0
157

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah oo uu kaga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka ku gaaray Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka mudug.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Galkaayo ku soo dhaweeyay Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Kaniif iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynuhu Maalmaha uu joogo Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka Kan Degmada iyo Waxgaradka Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here