Kooxda Barcelona oo Calaamadsatay Badalka Ronald Koeman.

0
186

Jowhar (Radio-Isnaay)-Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay tababaraha ka tagaya Bayern Munich ee Hansi Flick ugu dhaqaaqdo badalka tababare Ronald Koeman Sida ay sheegayaan wararku.

Hansi Flick ayaa isaga tagi doona kooxda Bayern Muich dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu laba sano ku qaatay kooxda kuna hogaamiyay koobab badan.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay kooxda Barcelona isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo tababare Hansi Flick si ay ugu badasho Ronald Koeman dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ronald Koeman ayuu shaki soo wajahay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona kadib markii ay kooxdu si weyn ugu dhibaatootay kooxda waliba si weyn ugu dhibaatoonayso qaab ciyaareedka.

Joan Laporte ayaa Hansi Flick u arka mid kooxda ku hogaamin kara champions League xilli ciyaareedka dambe marka loo eego wax qabadkii uu ka qabtay kooxda Bayern Munich mudadii yarayd ee uu hogaaminayay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here